daajis.com:- Dowladda Kenya oo horay u sheegtay inaysan dhisayn darbiga xadka ee u dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa bilaawday qaab cusub oo ay ku doonayso inay ku hirgaliso dhismihii derbigaasi.
Kenya ayaa bilaawday inay ku hadasho labo af, iyadoo dadka iyo Madaxda Soomaalida u sheegaysa inaysan dhisayn derbiga xadka ee la hadal hayo, laakiin hadii aad dhagaysatid hadalada ay dowladda u sheegayso dadkeeda ama laga sii daynayo Taleefishinada dalkaasi ayaa ah hadal cagsi ku ah waxa ay u sheegaan madaxda Soomaaliya.
Dowladda Kenya ayaa isbuucii hore wada hadal la yeelatay qaar kamid ah madaxda iyo waxgaradka Beesha Mareexaan, wadahadalkaasina waxaa goobjoog ka ahaa labadii ra’iisul wasaare ee hore oo kala ah C/weli Shiikh Axmed Maxamed iyo Cabdi Faarax Shirdoon Saacid (maxay tahay xeeladda ka danbeysa?).
Raíisul wasaarihii hore ee Soomaaliya C/weli Shiikh Axmed Maxamed oo laga waraystay arintani ayaa warbaahinta u sheegay in Shirkaasi uu ahaa mid ku saabsan iskaashiga dhanka amniga oo kaliya ee aan looga hadalin wax Derbi ku saabsan.
Hadaba su’aasha is weydiinta mudan ayaa waxay tahay, dowladda Kenya Beenta ay sheegayso ma mid ay u sheegaysaa dadkeeda mise mid ay u sheegayso Dadka iyo Madaxda Soomaaliyeed?
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 17:00 and have
, Published at