Fadeexadii ugu weyneyd oo ka taagan Canshuurta laga qaado Gaadiidka Muqdisho

Fadeexadii ugu weyneyd oo ka taagan Canshuurta laga qaado Gaadiidka Muqdisho

daajis.com:- Fadeexad ku saabsan qaabka loo qaadayo canshruurta saddex biloodlaha ah ee Gaadiidka Muqdisho ayaa hareysay Wasaaradda Maaliyadda, Shirkad gaar loo leeyahay oo dhowaa lagu wareejiyay iyo taliska ciidamada wadooyinka oo qeyb ku leh.

Arrintan ayaa ka danbeysay markii dowladda Federaalka ay qaadista canshuurtaasi ku wareejiyay Shirkad gaar loo leeyahay, halkii ay hore u qaadi jirtay Wasaaradda Maaliyadda, waxaana dhacday in horaantii Bisha Janaayo dib u dhac ku yimid qaadista lacagtaasi oo shirkaddu ku qaadatay muddo bil ku dhow inay bilowdo canshuur qaadista oo markaasi ku dhici jirtay Khasnada dowladda.

Saddexdii bilood ee labaad oo ka bilaabata April 2016 ayaa la dareemay isbedel ku saabsan qaabka canshuur qaadista iyadoo Xisaab (Account) laga furay Bankiga Salaama, oo dadka lagu amray inay lacagta ku shubaan Bankigaasi, taasoo keentay inay waqti badan qaadato bixinta lacagta iyo hubinteeda, waxaana boqolaal ruux oo doonayay inay lacag bixiyaan la awoodi waayay inay bixiyaan kadib markii qaabka lacag bixinta Bankiga Salaama uu shaqeyn waayay.
Mar kale ayaa dib loogu laabtay in lacagtii si toos ah loogu wareejiyo saraakiisha Shirkadda iyo Wasaaradda Maaliyadda, iyadoo inta badan la adeegsado Lacaga laga tuuro Mobile-ka Hormuud ee EVC loo yaqaan, waxaana jaha wareerka ka jira canshuurtan ay noqotay mid dhibaato weyn ku heysa dadka gaadiidka leh.

Waxaa kaloo la yaab leh in dadka gaadiidka leh lagu soo rogay amar ah inay bixiyaan lacagtii Saddexdii Bilood ee hore ciddii aan bixin, taasoo muran weyn ay ka keeneen dadka gaadiidka leh oo qaarkood ay markaasi iibsadeen ama gaarigooda uu cilad u fadhiyay, waxaana dood badan kadib oo dadka qaarkii lacagtaasi laga qaaday lagu bedelay inuu qofku iska bixiyo $10 oo laaluush si looga dhaafo saddexdii bilood ee Janaayo-Maarso 2016.

Xigasho:Goobjooge.com

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada