Isku’aadka Ciyaaraha Semi Finalka Champions League 2016-ka (VIDEO)

Isku’aadka Ciyaaraha Semi Finalka Champions League 2016-ka (VIDEO)

daajis.com:- Xiriirka kubadda cagta ee UEFA ayaa shaacisay isku aadkii ama qori tuurkii loo sameeyay 4 kooxood oo iskugu soo hartay koobka horyaalada qaaradda Yurub ee UEFA Champions League,  xafladdani isku aadka kooxaha ayaa waxaa lagu qabtay magaalada Nyon ee dalka Switzerland.

Manchester City ayaa lugta hore gurigeeda ku soo dhaweyn doonta kooxda Real Madrid waxaana la ciyaari doonaa habeenka talaadada ee 26ka bishaan April, halka habeenka Arbacada ee ku xigta ee 27ka bisha April ay ciyaari doonaan kooxaha Atletico Madrid iyo Bayern Munich ciyaartaas oo ka dhici doonta Vicente Calderon.
Halkaan Hoose ka Daawo


Lugta labaad Bayern Munich ayaa soo dhaweyn doonta Atletico Madrid habeenka talaadada ee 3da bisha May, halka habeenka ku xiga ee arbacada ee 4ta bisha May ay Manchester City soo booqan doonto Bernabeu si ay lugta labaad u wajahayaan Real Madrid.

Labadii kooxood ee ka soo baxa is reeb-reebkan ayaa waxa ay wada ciyaari doonaan ciyaarta Finalka, taas oo ka dhici doonta magaalada Milaano ee dalka Talyaaniga.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:50 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada