daajis.com:-Mid ka mid ah Qawmiyadda asal ahaanta ka soo jeeda dalka Ethiopia ee Oromada Ayaa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho Waxayna walaac kaga m uujiyeen dhibaatada dadka kasoo jeeda qowmiyadaasi oo loogu geysto deegaanada ay maamusho Puntland, Sida Ay Hadalka U Dhigeene.
Odayaasha ayaa magaalada Muqdisho ka sheegay iney si weyn kaga xumaadeen dilkii ugu dambeeyay ee loo geystay wiil ay sheegaan inuu ku dhashay Degmadda Qoryooleey oo kasoo jeeda qowmiyadda Oromada si arxandaro ah loogu dilay duleedka magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.
Waxay sheegeen iney ka xun yihiin dhibaatada Qowmiyadooda loogu geysto deegaanada Puntland, iyaga oo Madaxweyne C.welli Gaas ka dalbaday iney wax ka qabtaan dhibaatada lagu hayo dadka ka soo jeeda Qowmiyadda Oromadda.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:26 and have
, Published at