daajis.com:- Khilaf cusub ayaa soo kala dhex-galay dowladda faderaalka ah ee Soomaaliya iyo Puntland,kaaso la xiriirka dastuurka iyo qabka la doonayo in loo dhammeytiro.
Kulamadii ugu dambeeyay ee madaxda faderaalka iyo hoggaamiyayaasha maamullada ayaa qorshuhu ahaa in looga wada-hadlo waddada loo marayo dhameystirka dastuurka,waxaase xilli dambe la soo jeediyay in dastuurka la dhammeystiro,markana lama sheegin habka loo dhamarayo dhammeystirka.
War-saxaafadeed ka soo baxay maalin ka hor Puntland ayaa lugu caddeeyay inuu jiro khilaf dhinaca dastuurka ah,waxaana ay Puntland ka digtay marka in lugu mashquulo shirar dib u dhigi kara arrimaha dastuurka.
Puntland waxaa kalo ay soo jeedisay in la dhowro heshiiskii Muqdisho ee farayay hoggaamiyayaasha inay ku shiraan magaalada Garoowe,si looga wada-hadlo dib u eegista dastuurka.
“Waa in la ilaaliya heshiiskii lugu gaaray Muqdisho 12-ka April oo qeexayey in lugu qabanayo shirweynaha dib u eegista dastuurka dowladda faderaalka Soomaaliya,caasimada dowladda Puntland ee Garoowe 10-ka bisha May,si madaxda sarre ee dalku iskula meel dhigaan arrimaha siyaasadeed ee khilaafku ka jiro si loo dardar-galiyo dib eegista dastuurka dowladda faderaalka oomaaliya,sidaa awgeed waa in aan lagu mashquulin shirar dib u dhac ku ah arrimaha dastuurka,”ayaa lugu yiri warka ka soo baxay shir ay Garoowe ku yeeshen wasiirrada Puntland,maalintii Khamiista.
Guddoomiyaha baarlamaanka,Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa loo arka qofka ugu horreyaa ee doonaya si dhaqso ah in loo dhammeystiri dastuurka,iyadoo waqti kale la galin dib uu eegistiisa
“Waxaa jira khilaf dhanka dastuurka ah oo u dhaxeeya Puntland iyo dowladda faderaalka,horay ayaa loo dayacay in laga wada-hadlo,”ayuu yiri xildhibaan ka tirsan baarlamaanka
Tan iyo xukuumaddii Puntland ee u hoggaaminayay madaxweyne Faroole waxaa ay Puntland diidaneyn wax ka badalka dastuurka oo la sheegay qodobbada qaar in wax laga badalay,iyadoon taas la sixin Puntland waxaa ay sheegtay marna inan la dhammeystiri karin dastuurka.
Garoowe ayaa la filaya bisha May in looga hadlo arrimaha dastuurka,waxaana marka la fahansan-yahay inuu waqtiga ku yaraan karo hoggaamiyayaasha shiraya taaso diideysa waqti badan oo ay wada-hadal yeeshan madaxda,lakin arrinta la xiriirta dastuurka ayaa soo jiitameysay saddexdii sanno ee ugu dambeysay.
Xigasho: RBC
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 14:18 and have
, Published at