daajis.com:- Ciidamada booliska oo kaashanayay dadka deegaanka ayaa caawa ku guuleystay in ay gacanta ku dhigaan afar nin oo madaafiic hoobiyeyaal ah ku tuuray degmooyinka Xamar jajab iyo Waaberi, kuwaasi oo ka dhashay dhimashada afar qof oo rayid ah iyo tiro kale dhaawac ah.
Madaafiicdaan oo laga soo tuuray degmada Wardhiigley ayaa ciidamada booliska ay ogaadeen halka laga soo tuurayay, waxaana iska horimaad dhex maray ciidamada booliska iyo kooxaha madaafiicda tuurayay kuwaasi oo qaarkood la qabtay iyagoo dhaawac ah, waxaana ay saarnaayeen gaari nooca dadweynaha “Bus” oo qoriga hoobiyaha ah uu saarnaa.
Wararku waxay intaa ku darayaan in dadka dhintay ay ku jiraan dad deganaa xero barakacayaasha oo ku taal degmada Xamar Jajab iyo meel ku dhow iskuulka Raage Ugaas ee degmada Waaberi.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 02:30 and have
, Published at