Tartankan oo maalintii talaadada bilaabmay ayaa wuxuu dhamaaday maalintii khamiista ahayd (14 feb 2013), waxaana ka qayb galay 9 lamaanood. Waxaa layaable intuu tartanka socday kaqayba galayaasha looma ogalayn inay seexdaan, fadhiistaan mise bishimaha kala saaraan markay xamaamka booqanayaan.
Tartankan adag ee xiisaha lahaa ayaa waxaa ku guulaystay Ekkachai iyo laksan iyaga oo bishimaha isku hayay 58 saacadood, 35 daqiiqo, iyo 58 ilbiriqsi waxaana lagudoonsiiyay lacag qiimaheedu gaarayso $3200 iyo laba faraanti oo diamond ah.
Rikoorkaan cusub ayaa aad uga yaabiyay qaban qaabiyasha munaasabadan, waxaana lagu daray buuga caanka ah ee loo yaqaano “Guiness Book of Records”. Sanadkii hore ayaa waxaa ku guulaystay tartankan laba nin oo is qabay oo 50 saacadood bishimaha isku hayay.
W/Q: C/laahi Safeska
_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 15:30 and have
, Published at