Madaxda Midowga Afrika oo ka Fiirsanaya sii Socoshada Howlgalka Amisom (VIDEO)

Madaxda Midowga Afrika oo ka Fiirsanaya sii Socoshada Howlgalka Amisom (VIDEO)

daajis.com:- Warbixin lagu qoray bogga wakaaladda wararka Anadolia ee dalka Turkiga ayaa lagu sheegay in madaxda midawga Africa ay sheegeen inay ka fekerayaan sii socoshada hawlgalka ciidamada Midawga Africa ee AMISOM ay ka wadaan dalka Soomaaliya.

Warbixntan ayaa lagu sheegay in lixdii bilood ee lasoo dhaafay ay culeysyo badan la kulmeen ciidamada AMISOM kuwaas oo dhinacyo kala duwan kaga imaanayay.


Marka loo eego Sagaalkii bilood ee lasoo dhaafay boqolaal askari oo ka tirsanaa ciidamada AMISOM ayay Al-Shabab ku dileen weeraro ay ka geysteen saldhigyo ay ku lahaayeen Leego, Jannaale iyo Ceel-Cadde oo ka kala tirsan gobolada Sh/hoose iyo Gedo.

Dhibaatada soo gaartay ciidanka AMISOM waxaa ay keentay in dawladaha soo diray ciidamadani Baarlamaanadooda ay su’aalo badan laga weydiiyo sida ay suurto gal ku tahay inuu sii socdo hawlgalka, ayaa lagu yiri warbixinta.

Muwanga Kivumbi oo ah sharci dajiye ka tirsan baarlamaanka dalka Uganda ayaa aaminsan in xaaladda Soomaaliya ka taagan aan awood ciidan kaliya lagu xalin karin, ciidamadooduna ay culays ku qabaan hawlgalka AMISOM.

Kivumbi waxaa uu aaminsanyahay in Soomaaliya ay tahay meel ay halis badan kala kulmaan ciidamada ajanabiga ah waxana uu tusaale usoo qaaatay askartii dawlada Maraykanka Muqdisho looga dilay sanadkii 1993,kii.

Dawladaha beesha caaamka ayuu xildhibaankan ku eedeeyay inay daawanayaan xaaladda Soomaaliya oo ay ka yihiin jilayaal maldahan sida uu yiri halka Al-Shababna ay shaqada wadaaan sidaa darteed loo baahanyahay in laga fiirsado sii socoshada hawlgalka AMISOM.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 07:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada