Madaxweynaha Mareykanka Obama oo gaaray Sacuudi Carabiya

Madaxweynaha Mareykanka Obama oo gaaray Sacuudi Carabiya

daajis.com:- Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa maanta oo Arbaco ah gaaray dalka Sacuudi Carabiya, halkaasoo uu maalinta berri kaga qeyb geli doono shirka Golaha Iskaashiga Khaliijka.

Obama ayaa waxaa soo dhoweeyay Duqa magaalada Riyadh, taasoo sare u qaadeysa xiisada Mareykanka iyo Sacuudiga u dhaxeysa.

Waxaa uu la kulmay Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis, isagoo kala hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay iskaashiga, la dagaalanka Argagixisada.

Mareykanka ayaa ku dhaliilay Sacuudiga in aanu xilligan daacad ka aheyn dagaalka ka dhanka ah Daacish, isla markaana dhankaas daciif ka yihiin.

Arrinta ugu weyn ee labada dal xiriirkooda shaki gelineysa ayaa ah walaaca laga qabo hadii Aqalka Congress uu meel mariyo in weerarkii 9/11 uu Sacuudiga ku lug lahaa, maadaama 19kii dhalinyaro ee afduubtay diyaaradihii loo adeegsaday weeraradaas ay 15 ka mid ah ka soo jeedeen Sacuudiga.

Sacuudiga ayaa ku hanjabay hadii Aqalka Congresska uu meel mariyo arrintaas uu iibinayo dhamaan wixii hanti ah ee uu ku leeyahay Mareykanka.

Afhayeen u hadlay Aqalka Cad ayaa sheegay in hadii Aqalka Congresska ay meel mariyaan tallaabadaas aanu saxiixi doono Madaxweyne Obama.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada