Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray magaalada New York: Sawirro

Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray magaalada New York: Sawirro

daajis.com:- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa garaay magaalada New York ee dalka Mareykanka, waxaana soo dhoweyntiisa ka qeyb qaatay madaxda safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo diblumaasiyiin.



Ujeedada socdaalka Madaxweynaha ayaa la xiriirta ka qeyb galka shirka ay isugu imaanayaa madax kala duwan oo ka kala socota dowladaha caalamka, kaasi oo looga hadlayo sidii la isaga kaashan lahaa isbedelada ku yimaada cimilada dunida iyo sida loo wajahayo.

Afhayeenka madaxtooyada Qaranka Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sheegey in shirkan dhawaan ka furmaya dalka Mareykanka oo ku saabsan isbedelka cimilada lagu casuumay Madaxweynaha.

Inta uu joogo Madaxweynah iyo wefdigiisa Mareykanka waxay kulamo kala duwan la yeelan doonaan qaar ka mid ah madaxda caalamka oo ka soo qeybgalysa shirka, waxaana la filayaa in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu si weyn uga hadlo marxalada haatan uu marayo dalka iyo guulaha ya gaartay dowladda.

Wefdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomalaiya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay shirkii hogaamiyaasha Africa oo lagu qabtay dalka Ethiopia, kaasi oo looga hadlayay arrimo la xiriira kaalinta Africa ee amniga caalamka iyo iskaashiga la dagaallanka argigixisada.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:40 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada