daajis.com:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Ethiopia, Hailemariam Desalegn ayaa maanta kulan ay kaga hadlayaan iskaashiga labada dal ku yeeshay magaalada Bahir Dar ee dalka Ethiopia.
Labada hoggaamiye ayaa dhinacyada siyaasadda iyo amniga ka sokow si qota dheer uga wadaxaajooday iskaashi dhaqaale oo dhinacyo badan oo labada waddan dhex mara.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulankaasi ka soo jeediyay fikir ku saabsan in labada dal ay abuuraan guddi iskaashi oo heer wasiir ah, iyadoo taladaasina uu soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaare Desalegn.
Labada dal ayaa ka wada shaqeyn doona horumarinta barnaamijyada mihnadaha iyo shaqo abuurka, maalgashiga, beeraha, tiknoloojiyadda iyo arrimaha bulshada.
Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaare Desalegn ayaa waxay kaloo ka wada hadleen suuragalnimada in waddamada Geeska Afrika ee kala ah Soomaaliya, Ethiopia, Djibouti iyo Suudaan ay sameystaan suuq ganacsi oo ka shaqeeya kobcinta dhaqaalaha.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 22:26 and have
, Published at