daajis.com:- Wararka laga helayo magaalada Buuhoodle ayaa sheegaya in maleeshiyo hubaysan ayaa la wareegay Magaalada Buuhoodle ee Gobalka Tugdheer Ciidamadan ayaa la sheegay in horay u tabacsanayeen Maamulka Khaatuma hase yeeshee ay hada ka gosteen oo ay sitoosa uga amar qataan Maamulka Gobaleedka Puntland.
Maxamed Cagadheere oo ka mida Saraakisha Ciidankaas oo iyagu meel fagara ah kula hadlay dadwaynaha iyo Saxafadda ayaa sheegay in raali aani ka noqo doonin in Cali Khaliif Galaydh uu soo galo Buuhoodle hadana ay ka baadii goobayaan Deeganada ku dhawadhw Magaalada.
Sargaal kale oo isaguna la hadlay Saxaafada ayaa sheegay in horay u tagersanayeen Cali khaliif lkn wixii xiligan ka dambeya ay la dagalamayaan wax kasta oo dhinaciisa ka socda.
Madaxweynaha Maamulka Khaatuma Cali Khaliif Galaydh weli kama uusan hadlin Ciidankaan la wareegay Magaalada Buuhoodle, dhinaca kalana Maamulka Gobaledka Puntland ayaan isna dhankiisa ka hadlin wararka shegaya in Maleeshiyaadka hubaysan ee la waregay Buuhoodle ay iyaga ka amar qataan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 17:00 and have
, Published at