daajis.com:- Maanta kaliya 400 oo dhalinyaro ah ayeynu waynay, Amison ayaa sabab la’aan Ku laysa caruur iyo cirroole, intii soo qaxday caruurtii gangs ayey ka noqdeen qaarkood intaasna waxaan maqalnaa dhalinyaro 5oomaaliyeed baa waddan hebel isku dishay, xabsiyada adduunka ayeynu ka buuxnaa.
Dalkii intii Ku hadhay qawlaysato arxan laaweyaal ah ayaa maskaxdii ka xaday oo intay usamaysteen maryo gumaysi qoryo isugu dhiibay oo midba midka kale iska eegayaa.
Muqdisho waxay sanadkii QAAD Ku iibsataa $129,600,000 (Abukar Qaad-diid) halka ay Hargaysana Ku iibsato $353 million (Abukar Qaad-diid), Lacagta intaas le’eg miyeysan haddii si wacan loo maamulo dadka iyo dalka wax u qabateen?!
Madaxda ina haysata mid kaliya oo ka gubanaya, xasuuqa lagu hayo dadkiisa, hantidooda la boobayo, caruurteena waxna badda Ku dhammaadeen waxna gaajada iyo harraadka u dhinteen oo ka hadlaya arki maysid, maalinta Amisom ay xasuuqaan dadkeena afkaa juuqda gabaya, maalinta labo wiil oo walaalo ah (5oomaali ah) ay dhibyari dhexmarto, wixii ay madaxdu lacag hayaan iyo wixii hub ahba waxay Ku bixiyaan sidii labadaas qabiil isugu madhan lahaayeen, maalinkasta, dal iyo dibadna qayladooda lagama joogi karo baraha bulshada iyaka warkooda daa waxa hadal xumo iyo damiir darro la Isla dhexqaadayo….!!!
Waxaa faan u noqotay intaas oo shabaab ah ayaanu dilnay, shabaabna sidoo kale waxay Ku faafaan intaas oo shacab ah ayaannu qarxinnay!!!.
Walaaltinimadii meeday, Wada dhalashadii meeday, Islaamnimadii meeday, 5oomaalinimadii meeday, waddaniyaddii meeday?!!.
Cabdullaahi Suldaan Maxamed (TIMA CADDE) Ayaa gabaygan sanadkii 1967 5oomaalidii joogtay kula hadlay iyo xaaladda Maanta aynu Ku jirno!
“Dab markuu bakhtiyo meel kalaa Dogob ka qiiqaaye
Waagii dillaacaba naxdiyo dihin la sheegaayo
Dul iyo hoosba waan ugu dhigee Waa dix dhagaxeedee
Anuunbaa Ku daaliye dhaguhu uma daloolaane
Dadkaan la hadlayaabaan lahayn dux iyo iimaane
Bal inay dalfoof tahay caqliga doonni laga saaray
Wixii hore usoo daashaday degeshanaayaane
Dugsi ma Leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane”
W.Q: Aadan Yuusuf Jaamac.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 02:30 and have
, Published at