Maraykanka oo Ciidamo u Diraya Suuriya & Kuwo Horey Qarsoodi ugu Joogay oo la Arkay (VIDEO)

Maraykanka oo Ciidamo u Diraya Suuriya & Kuwo Horey Qarsoodi ugu Joogay oo la Arkay (VIDEO)

daajis.com:- Dowlada Maraykanka ayaa lagu wadaa in ciidamo gaaraya ilaa 250 askari u dirto dagaalada ka socda wadanka Siiriya.

Maraykanka ayey hada askar gaareysa 50 ka joogaan gudaha Siiriya, kuwaasi oo gacan siinaya kooxaha la dagaalamaya Daacish. Askartaasi ayaa hawshoodu tahay inay hagaan diyaaradaha duqeynta ka wada dalkaasi, waana markii ugu horeysay oo la arko iyaga oo hogaaminayo Diyaaradaha Dagaalka.


Ciidamadan ayaa lagu xoojinayaa kuwii horey u joogay Siiriya si loo balaariyo duqeynta ku aadan kooxda Daacish oo weli gacanta ku heysa dhul badan oo kamid ah waqooyiga dalalka Siiriya iyo Ciraaq.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Maraykanka ayaa jariirada Washington Post u sheegay in arrintan uu ku dhawaaqi doono maanta Madaxweynaha oo ku sugan dalka Germany.

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama oo hada Booqasho ku Maraya Qaaradda Yurub ayaa hadda ku sugan dalka Jarmalka, wuxuuna maanta kulan laqaadan doonaa hogaamiyayaasha dalalka Germany, France iyo Italy oo ay ka wadahadli doonaan arrimaha la dagaalanka Daacish iyo qaxootiga ku soo burqanaya qaaradda Yurub.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:23 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada