Masar & Turkiga oo isku haysta Dekeda iyo garoonka Berbera

Masar & Turkiga oo isku haysta Dekeda iyo garoonka Berbera

daajis.com:- Labada dawladood ee Masar iyo Turkiga ayaa waxa ka dhex-dilaacay dagaal qabow oo ugu tartamayaan gacan-ku-haynta saldhig.

ciidan oo ay dawladaha Khaliijku ku talo jiraan inay ku yeeshaan magaalada Berbera taasoo ujeedada ay ka leeyihiin tahay in ciidamada cirka iyo badda ee dawladaha Isbahaysiga dagaalka kula jira maleeshiyada Xuutiyiinta iyo ciidamada wali ka amar qaata madaxweynihii Yaman Cali Cabdalla Saalax ay isticmaali karaan madaarka iyo dekedda Berbera marka loo baahdo.

Siday diblomaasiyiin u dhuun daloola arimahani ay Somalilanders iyo Waagacusub u tibaaxeen, dawladaha Isbahaysiga Carbeed gaar ahaan dawladda Imaaraatka ayaa damacsan inay saldhigaasi dajiso ciidamo Masaari ah ama Turki ah taasoo durtaba keentay in labaas dawladood ee Suniga ahi tartan u galaan gacan-ku-haynta saldhigaasi ciidan iyadoo ay Masaaridu martiqaadeen Taliyaha Sirdoonka Somaliland Jaamac Maxmuud kaasoo Hargeysa ku soo laabtay ka hor intii aanu wafdi ka socda dawladda Masar dhawaan socdaal ku iman Somaliland.
Taliyaha Sirdoonka ayaa waxay is-xigaan wiilka uu madaxweyne Siiraanyo soddoga u yahay ee Baashe Cawil kaasoo ah ninka baryahanba xoog uga shaqeynayey loolanka adagna ugu jiray iskaashi ciidan oo dhex mara Somaliland iyo dawladaha Carabta.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada