Mid kamid ah raggii fuliyay weerarkii Brussels waxa uu shaqaale ka ahaa Baarlamaanka Yurub

Mid kamid ah raggii fuliyay weerarkii Brussels waxa uu shaqaale ka ahaa Baarlamaanka Yurub

daajis.com:- Mas’uuliyiin katirsan Midowga Yurub, ayaa kashifay in mid kamid ah raggii fuliyay weeraradii Brussels uu ahaa shaqaale katirsan Baarlamaanka Yurub.

Masuul katirsan Baarlamaanka Yurub oo diiday in magaciisa lasoo xigto, ayaa sheegay in mid kamid ah raggii weerarka fuliyay uu mudo hal sano ah shaqaale ka ahaa xaruunta dhismaha Baarlamanka Yurub ee magaalada Brussels.

Ilowareedyo kale ayaa sheegaya in Najim Laachraoui, oo ay Booliska Biljamka dhawaan soo bandhigeen sawirkiisa, uu yahay ruuxa kasoo shaqeeyay Baarlamanka Yurub kana mid ahaa kooxihii weerarka fuliyay.


R/wasaaraha Biljamka, ayaa si adag u difaacay qaabka uu dalkiisa ula dagaalamo argagixisada, asigoona ku cel celiyay in Doowladiisa aysan ahayn mid fashilantay.

Charles Michel, oo ah R/wasaaraha Biljamka, ayaa ka dhawaajiyay in qof walboo xubin ka ah doowladiisa uu wax ka qaadanayo masuuliyada weeraradii Brussels.

Weeraradii Brussels oo ay sheegatay kooxda ISIS, ayaa inta la’ogyahay waxaa ku naf waayay ilaa 32 ruux, halka tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen.
Baarlamanka Yurub, ayaa sidoo kale sheegay in shirkad shaqaaleeysiisa dadka nadaafada ka shaqeeya, ay soo gudbisay liiska in ruux kamid ah kuwii fuliyay weeraradii Brussels, uu kasoo shaqeeyay xaruunta Baarlamanka midowga Yurub.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:58 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada