MUUQAAL:- Caruur 11 jir ah oo lagu qashay Somaliland kadibna la cunay

MUUQAAL:- Caruur 11 jir ah oo lagu qashay Somaliland kadibna la cunay

daajis.com:- Dhacdo aad looga argagaxo ayaa ka dhacday deegaanka Ballidhiig ee ka tirsan gobolka Togdheer ee maamulka Somaliland, kadib markii ilmo yar oo 11 jir ah lagu qashay halkaasi xili uu ari ilaalinayay.

Falkaan ayaa waxaa geystay nin aad u da’ weyn, kadibna dhiiga ka jaqay, waxaana markii danbe ciidamada amaanka u suuragashay inay gacanta kusoo dhigaan xili uu doonayay inuu baxsado ninkaasi.ilmo-la-cunay

Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha ee Somaliland, Maxamed Muuse Diiriye oo ka warbixiyay dhacdadaan ayaa sheegay in ilmahan yar ee 11 jirka lagu magacaabi jiray Maxamed Carab Bullaale xiligii la qalanayay uu ilaalinayay ari, meydkiisana laga helay howdka.

“Ninka ilmaha yar gawracay oo isku deyey inuu baxsado, ayaa markiiba waxa ka daba-tegay ciidamada amniga iyo shacbiga degaanka oo wada socda, waxana gacanta lagu soo dhigay, dhagar qabihii falkaasi foosha xun geystay”ayuu yiri Maxamed Muuse Diiriye.

Arrintan naxdinta iyo argagaxa leh ayaa aad looga hadal hayaa Somaliland, iyadoo ay dhawaan fal ceynkaan ah uu geystay nin kasoo jeeda qowmiyada Oramada oo ilmo yar ku cunay baadiyaha Burco.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 11:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada