daajis.com:- Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Nelson Mandela ayaa taallo looga taagay magaalo ku taala dhulka reer Falastiin, gaar ahaan magaalada Ramallah.
Taalladaasi oo dhererkeeda dhan yahay lix mitir ayaa laga taagay bartamaha magaalada Ramallah. Munaasabadii furitaanka taalladaasi aya waxaa kasoo qeybgalay Madaxweynaha Dowladda Falastiiniyiinta Maxamud Cabaas, madax ka tirsan xukuumadiisa iyo boqolaal dadweyne ah oo ka soo qeyb galay daah furka munaasabadda taallada Nelson Mandela.
Nelson Mandella wuxuu astaan u yahay nabadda bacdamaa uu halgan dheer u soo galay xornimada dalkiisa oo caalamka u noqotay astaan lagu daydo.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 22:00 and have
, Published at