Norway oo damacsan ineey sharciga kala laabato Soomaalida haysata sharciga kumeel-gaarka ah

Norway oo damacsan ineey sharciga kala laabato Soomaalida haysata sharciga kumeel-gaarka ah

daajis.com:- Norway ayaa bilaabeysa qorshe sharciga degnaaanshaha aan rasmiga ahayn loogala noqonayo dadka Soomaalida ah ee haysta ee ku nool dalka Norway, kadibna dib loogu celin karo dalkoodi Soomaaliya.

Sylvi Listhaug , oo ah Wasiirka Qaxootoiga iyo is-dhexgalka ee dalka Norway oo ka tirsan Xisbiga midiga fog ee FRP ayaa ku dhawaaqdey qorshahan.

Waddamo badan oo ka tirsan qaaradda Yurub ayaa joojiyey dhamaan sharciyada la siin jiriye dadka Soomaalida ah, waxaana ay Soomaaliya u wada dirsadeen Safiiradii u fadhiyey dalka Kenya kuwaas oo loo magacaabey in ay Soomaaliya safiir uga noqdaan. Sababta ugu weyn ayaa ah sidii ay Dowladda Soomaaliya ugala hadli lahaayeen qorshaha qaxootiga lagu celinaayo, taas oo aan suurta gal ahayn haddii labada dal aysan ka dhexeyn cilaaqaad diblomaasiyadeed.

Shabadkadda Warbaahinta ee norsomnews.com ee ka dhisan dalka Norway ayaa baaritaan ku samaysey sharciga cusub ee Norway in uu ka dhaqan galo ay suurta gal tahay. Shabakada NorSomNews.Com ayaa arrimahan la xiriirisey siyaasiyiin Dowaldda federaalka ka tirsan oo booqasho kala geddisan ku tegay dalka Norway.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:20 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada