Obama oo qirtay in qaladkii ugu weynaa ee uu galay ay aheyd fara-gelintii Libiya

Obama oo qirtay in qaladkii ugu weynaa ee uu galay ay aheyd fara-gelintii Libiya

daajis.com:- Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa qirtay in qaladkii ugu weynaa ee uu galay intuu xilka hayay ay aheyd fara gelintii sanadkii 2011 ku sameeyeen dalka Libiya, xilligaasoo ay ka bilowdeen kacdoono ka dhan ahaa Hogaamiyihii hore ee Libiya Col. Mucamar Khadaafi.

Obama oo la hadlayay Telefishinka Fox News ayaa sheegay in dalalka xulafada la ahaa Mareykanka ay sameeyeen qaladaad, xilligii uu socday qalalaasihii Libiya.

Hase ahaatee waxaa uu ku adkeystay in sababta ay tallaabadaas u sameeyeen ay aheyd, iyagoo bad baadinayay shacabka Libiya.

Madaxweyne Obama ayaa xilka ka sii dega dhowaan, maadaama uu dhamaanayo muddo xileedkiisa Xafiiska

Col. Khadaafi ayaa dagaal kula jiray kooxo kacdoon kala soo horjeeday oo u badnaa Islaamiyiin.

Mareykanka, Ingiriiska iyo Faransiiska ayaa hormuud u ahaa ridistii Khadaafi, iyadoo kooxaha kacdoonka waday ay uga dambeyn ka taqaluseen Mucaamar Khadaafi.
Libiya ayaa waxaa ka jira qalalaase siyaasadeed iyo kala dambeyn la’aan, iyadoo ay jiraan labo dowladood xukunka isku heysta, Kooxo Islaamiyiin ah oo qeybo badan dalka maamula, kuwaasoo gacan saar la leh IS iyo Maleeshiyooyin qabaa’ilo aad u hubeysan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada