Puntland: Dadka aan sharci iyo damaanad ku joogeyn Puntland waa la xirayaa

Puntland: Dadka aan sharci iyo damaanad ku joogeyn Puntland waa la xirayaa

daajis.com:-  Wasiirka amniga maamulka Puntland, Cabdi Xersi Qarjab ayaa sheegay in wixii hadda ka danbeeya qaadi doonaan tallaabooyin lagu hubinayo dadka Puntland ku nool iyo kuwa u dhashay, iyadoo cid walba laga doonayo inuu qaato sharciyo deganaansho ah si looga hortago arrimo amniga wax u dhimi kara.

Wasiir Qarjab ayaa sheegay in dadka aan u dhalan Puntland ee ku nool deegaanada Puntland ama kuwa shaqada u jooga in laga doonayo wakiil damaanad ka noqdo iyo aqoonsi maamulka Puntland bixinayo.

Sidoo kale, waxuu milkiilayaasha guryaha iyo hoteelada ayuu ugu digay in aysan qof aan damaanad iyo sharci haysan laga kireyn karin guryaha.

 

Cabdi Xersi Qarjab ayaa tilmaamay in ay ka war heleen boqolaal qof oo qaab shacab ahaan u soo galay Puntland, kuwaasi oo ka tirsan Al-Shabaab.

Maalmo ka hor ayaa howlgal ay ciidamada amniga Puntland fuliyeen waxay kusoo qabteen tiro dad ah oo lagu tuhmay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada