daajis.com:- Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in Puntland ugu dambeyn ay aqbashay in nidaamka 4.5 lagu dhiso Baarlamaanka doowlada cusub ee Soomaaliya, kadib wadahadalo mudo 2 todobaad ah qaatay oo dhex maray DF iyo madaxda maamulkaas.
Gor-gortanka u dhaxeeyay DF iyo Puntland oo waqti dheer qaatay, ayaa waxaa markii dambe ku biiray Danjirihii hore ee Doowlada Turkiga u joogay Soomaaliya Cemalettin Kani Torun iyo safiirka Turkiga ee Xiligan Olga Begar, waxaana Puntland cadaadis lagu saaray ineey u hogaansato qaabka doorashada 2016 ee DF iyo Beesha Caalamka isla qaateen.
Heshiiskan ay Puntland ku aqbashay 4.5-ka, ayaa lagu wadaa inuu saacadaha soo aadan ka dhaco magaalada Garowe, iyadoo hada ay magaaladaas ku suganyihiin wufuud ka socota beesha Caalamka, si ay goobjoog uga noqdaan heshiiska.
Maxeey Puntland ku bedelatay 4.5?
Aqbalida ay Puntland aqbashay 4.5, ayaa iyadana waxaa taas badalkeeda looga tanaasulay qodobo farabadan oo ay kamid yihiin.
- Dib u eegista Dastuurka KMG oo ay Puntland dooneyso ineey awood ku yeelato.
- Baabi’inta guddiyada heer Qaran ee Dastuurka iyo xuduudaha.
- Helitaanka kala bar deeqaha Beesha Caalamka ugu deeqdo Soomaaliya.
Ugu dambeyntii sida muuqata Puntland waxay 4.5 ku bedelatay Heshiis ay iska cadahay inuusan fuli doonin, islamarkaasina aan hada la joogin xiligii uu fuli lahaa, balse waxa kaliya ay ka faa’iiday ayaa ah ineey muujisay awood siyaasadeed oo ah ineey diidi karto rabitaanka Doowlada Soomaaliya iyo maamulada kale, taasoo ahayd caado qaangaar ah oo Garowe laga aaminsanyahay diidmada wixii Muqdisho ka yimaada.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:02 and have
, Published at