daajis.com:- Reik Machar oo ahaa Hogaamiyihii mucaaradka Koofurta Sudan ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Jubba, kadib todobaad uu dib ugu dhacayay dib ugu laabashadiisa Juba, taasoo halis gelisay inuu bur buro heshiiskii nabada.
Mr Machar ayaa waxaa soo dhoweeyay xubno ka tirsan golaha wasiirada, markii uu ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Jubba.
Waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda loo dhaariyo xilka Madaxweyne kuxigeenka Koofurta Sudan, taasoo ah mid dhaqan gelineysa heshiiskii nabadda ee la gaaray bishii Agosto ee sanadkii hore.
Heshiiska Nabadda ayaa qeyb ka ah in la soo dhiso dowlad midnimo qaran, taasoo soo afjareysa dagaalo sokeeye oo muddo labo sano ka socday dalkaas.
Dagaalka sokeeye ee Koofurta Sudan ayaa qarxay bishii December ee sanadkii 2013, xilli la isku dayay in la afgambiyo Madaxweyne Salva Kiir.
Reik Machar ayaa ka cararay Caasimada Juba sanadkii 2013, markii uu bilowday dagaalada, waxaan lagu eedeeyay inuu ka mas’uul ahaa isku dayga afgambiga, hase ahaatee waa uu beeniyay.
Boorar ay ku xardhan yihiin sawirada Mr Reik Machar iyo Salva Kiir ayaa lagu dhajiyay wadooyinka, taasoo qeyb ka ah dadaalada lagu soo afjarayo colaada Koofurta Sudan.
Kumanaan ruux ayaa ku dhimatay dagaalada sokeeye, halka dad lagu qiyaasay labo milyan ay ku barakaceen dagaalada u dhaxeeyay mucaaradka iyo dowladda.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:00 and have
, Published at