daajis.com:-Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo booqasho ku tegay magaalada dalka Ruushka, ayaa wuxuu magaalada Moscow kula kulmay Wasiirka arrimaha dibada dalkaasi Sergie Lavrov.
Cumar C/rashiid iyo Sergei Lavrov ayaa waxay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin ammaanka Soomaaliya, wuxuuna Ra’iisul Wasaare Cumar ka warbixiyay dadaalka dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka ugu jiraan sidii ay u soo celin lahaayeen kala dambeyntii iyo nabada Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa kala hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka, sidii mustaqbalka Soomaaliya iyo Ruushka u dhex mari lahaa xiriir ganacsi, isla markaana labada dal ay u horumariyaan xiriirkooda, dhinacyada dhaqaalaha, bani’aadanimada iyo iskaashiga.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka Sergie Lavrov ayaa sheegay inay Soomaaliya ka taageerayaal dhinacyo badan, sida dowlad wanaaga, hey’adaha dowladda, amniga, soo nooleynta adeegyada bulshada iyo dhaqaalaha.
Booqashada Ra’iisul wasaare Cumar ayaa kusoo beegantay xili Madaxweyne Xasan Sheekh booqasho ugu bilaabaday Mareykanka oo la ogsoon yahay in Ruushka iyo Mareykanka aanu cilaaqaadkooda xaga siyaasada wanaagsaneyn, isla markaana ka dhaxeeyo dagaal qabow ah.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 20:56 and have
, Published at