Sarkaal al-shabaab muhiim u ahaa oo isku dhiibay gacanta Doowlada Soomaaliya

Sarkaal al-shabaab muhiim u ahaa oo isku dhiibay gacanta Doowlada Soomaaliya

daajis.com:-  Sarkaal ka tirsan Kooxda Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay ciidanka Xoogga dalka ee Howlgalka ka wada bariga Galgaduud.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Gashaanle Axmed Maxamed Tareedishe ee Bariga Galgaduud ayaa Warbaahinta ku hadasha afka Doowlada u sheegay in Axmed Maxamuud Afrax oo ah ku-xigeenka horjaagihii Shabaab u qaabilsanaa dhanka uruurrinta xoolaha dadka rayidka ah uu isku soo dhiibay gacanta ciidamada.

Taliyaha ayaa xusay in ciidamada xoogga dalka ay ka go’antahay la dagaallanka argagixisada Al-Shabaab, isagoo ugu baaqay in maleeshiyaadka ay qaldeen Shabaabku ay isu soo dhiibaan gacanta ciidamada dowladda.

Sarkaalkan isa soo dhiibay oo lagu magacaabo Axmed Maxamuud Afrax oo isna la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in markii ciidamada xoogga dalka ay la wareegeen deegaanno dhowr ah uu u helay fursad ah in uu isu soo dhiibo gacanta ciidamada, waxaana uu intaa ku daray
“Aniga si qasab ah ayaa ugu shaqeyn jiray, xor ma ahayn, naftu way macdahay, waxaana u sameynayay howshan mid aan nafta ku badbaadsanayay, waxaana iigu suurta gashay fursad yar oo aan helay, maadaama kuwii howshan nagu qasbay ay isaga carareen deegaanka oo ay iminka si rasmi ah ula wareegeen ciidanka xoogga dalka” ayuu yiri Axmed Maxamuud.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:24 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada