daajis.com:- Saxaafada Reer galbeedka gaar ahaan tan Ingiriiska oo horay looga bartay ineey cambaareeyaan dalalka fuliya xukunada toogashada, ayaa hada u ololeyneysa in tiirka lasoo taagto lana toogto shaqsiyaadka lagu helo ineey katirsanyihiin kooxaha argagixisada.
Labadii isbuuc ee lasoo dhaafay, ayaa saxaafada Ingiriiska waxay si toos ah u tebineysay xukuno dil ahaa oo siyaabo kala duwan Doowlada Soomaaliya ugu fulisay shaqsiyaad al-shabaab katirsan, kuwaasoo lagu helay ineey ka dambeeyeen dilka wariyaal dhowr ah.
Bishan April 10-keedi ayaa Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida, waxay dil toogasho ah ku fulisay 2 nin oo al-shabaab katirsan, kuwaasoo lagu helay ineey ka dambeeyeen dilka Allaha unaxariistee Wariyad Hindiyo Xaaji Aadan, oo ahayd shaqaalo katirsan wasaarada warfaafinta Doowlada Soomaaliya.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 19:40 and have
, Published at