daajis.com:- Shirka maanta ka furmay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ujeedkiisu ahaa ka hadalka horumarinta Cadaaladda dalka waxaana ka qayb galay mas, uuliyiin ka kala socotay dowladda dhexe iyo maamulada qaybta ka ah federaalka ee dalka ka jira.
Mas’uuliyiinta ka qayb gashay kulankaan aqoon isweydaarsiga ah ayaa waxaa ka mid ahaa gudoomiyaha maxkamada sare ee dalka Mudane Ceydiid Cabdullaahi Ilka Xanaf Wasiirka Cadaaladda Mudane Cabdulaahi Axmed Jaamac Ilka Jiir ku simaha xeer ilaaliyaha good ee Qaranka Mudane Axmed Cali Abuukar taliye ku xigeenka ciidanka asluubta la taliyaha Madaxweynaha ee dhinaca sharciga sidoo kale wasiirada Cadaakadda maamul goboleedyada dalka iyo mas, uuliyiin kale.
Shirkaan oo socon doona dhowr maalin ayaa waxaa mas’uuliyiinta ka hadashay ay aad ugu dheeraadeen muhiimadda cadaaladu u leedahay bulshada Soomaaliyeed, waxaan mudada uu socdo qubaradu ay ka doodi doonaan sidii loo hagaaji lahaa cadaaladda dalka.
Ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka dr Axmed Cali Abuukar oo ka hadlay furitaanka aqoon usweydaarsigaan ayaa waxaa uu sheegay in dhibaatada ugu weyn ee dalka ka jirtaa ay tahay loona baahan yahay in si dhab ah loo bad baadiyo.
Somalia waqti dheer dhibaatada la degtay waa cadaalada waxaan maanta u baahanahay in maanta anaga ayaa ah mas’ Uuliyiintii dalka waa in si dhab ah aan u wajahno hormarinteeda markii aan cadaalada hagaajino waxaan gaareynaa hormar iyo wanaag lkn hadii aysan dhicin xaalkeenu ma wanaagsana.
Xoghayaha gudiga cadaaladda Baarlamaanka Xildhibaan Maxamed amiin ayaa dhankiisa qaba in muhiimadu tahay in heer federaal iyo heer gobol laga wada qayb qaato hormarinta cadaaladda dalka.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:00 and have
, Published at