Siduu u dhacay weerarkii lagu dilay hogaamiyihii amniyaadka shabaab “Dhoore”?

Siduu u dhacay weerarkii lagu dilay hogaamiyihii amniyaadka shabaab “Dhoore”?

daajis.com:- Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in iyadoo kaashaneysa ciidamada Somalia ay duqeyn ku dishay habeenkii Qamiistii la soo dhaafay Xassan Cali Dhoore oo ka mid ah Saraakiisha Sar saree e al-shabab ee gacan saarka la leh Ururka Al-qacida.

War saxafadeed uu ku saxiixnaa Xoghayaha saxaafada ee Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka Peter Cook ayaa lagu shegay in qaarajinta Xassan Cali Dhoore ay dharbaaxo xooggan oo kale ku noqon doonto awoodda ururka Al-shabab uu u yeelan karo qorsheynta weeraro ka dhan ah dowladda Somalia, muwaadiniinteeda, saaxibadda Mareykanka ee gobolka iyo dadka mareykanka ah ee dibadaha ku suggan.

War saxaafadeedka waxaa lagu sheegay in Xassan Cali Dhoore uu marka laga soo tago inuu ku jiray saraakiisha sar sare ee al-shabab ee xiriirka tooska ah la leh Al-qacidda, uu sidoo kale u qaabilsanaa al-shabab dhinaca amniyaatka, oo hoshoodu tahay amaanka iyo sirdoonka, isla markaana fuliya weerarada iyo qaarajinta.

Waxaa lagu sheegay war saxaafadeedka inuu ku lug lahaa weeraro waaweyn oo ka dhacay magaalada  Muqdisho, sidoo kale uu lahaa qorshaha weeraro laga fuliyay meelo ka baxsan Muqdisho, oo ay ku dhinteen ugu yaraan sadex muwaadin oo Mareykanka u dhashay.

War saxaafadeedja waxaa kagy sheegay in Dhoore inuu si toos ah ugu lug lahaa weerar 25kii bishii December  sanadkii 2014kii lagu qaaday Garoonka Caalamiga ee Muqdisho, ee ay ku dhinteen dhowr ka mid ah askarta midowga Africa, iyo muwaadin u dhashay Mareykanka.
Dhoore wuxuu sidoo kale si toos ah masuul uga ahaa- sida lagu sheegay war saxaafadeedka Pentigonka Mareykanka weerarkii Bishii March 27keedii  sanadkii 2015kii lagu qaaday Hotelka Maka al-Mukarma ee Magaalada Muqdisho, ee ay 15ka qof ku dhinteen, kuwaa oo uu ku jiray qof Somali Mareykanka ah.

Xassan Cali Dhoore ayay Mareykanku aaminsanayeen inuu ku howlanaa qorsheynta qaarajinta muwaadiniinta u dhashay Mareykanka ee ku suggan Muqdisho.

War saxaafadeedka waxaa lagu soo gabagabeeyay in Mareykanku ay faahfaahin kabixin doonaan weerarkaas ay ka fuliyeen koonfurta Somalia – marka ku haboon.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada