Soomaali rufyaan ahaa FBI-da oo la xiray kadib markii…

Soomaali rufyaan ahaa FBI-da oo la xiray kadib markii…

daajis.com:- Ninka muhiimka u ah Kiiska Dowladda Maraykanka ee ka dhanka ah Dhallinyaradda Soomaalida lagu eedeeynayo inay taageero siiyeen Kooxda Daacish ayaa la xiray isbuucii hore, kadib, markii lagu helay isagoo si sharci-darro u haysta qori.

Qoraal Maxkamadeed isbuucan laga buuxiyey Ninkaasi oo lagu magacaabo C/raxmaan C/rashiid Bashiir oo 20-jir ah ayaa la qabtay saqdii dhexe ee Jimcihii la soo dhaafay, xilligaasi oo ay si kedis ah xabbad uga fakatay qori uu watay, inkastoo aysan cidna ku dhaawacmin xabbadaasi oo derbi ku dhacday.

Boliska waxay sheegeen in Ninkaasi waqti kooban la xiray, balse la sii daayey, kadib, markii la laabay Kiiska loo haystay.

Warbixinta Boliska ayaa lagu muujiyey inay Saraakiisha heleen hub,wargeysyo, khasnadah rasaasta iyo waxyaabo kale.
Dhinaca kale, mar ay Warbaahinta Telefoonka kula xiriireen Eedeysanaha wuu ka gaabsaday inuu ka hadlo arrinkaasi, isagoo sheegay inuu dhacay Isfaham la’aan oo keliya.

Eedeysane C/raxmaan C/rashiid Bashiir  waxa uu bilowgii sannadkii 2015kii bilaabay inay Hay’adda FBI u soo ururiyo Xogaha ku aadan Dhaallinyarada Soomaalida doonaysa inay ku biiraan Kooxda Daacish, wuxuuna FBI-da u far muuqay nus dersin Dhallinyaro doonaysay inay u socdaalaan dalka Syria si ay ugu biiraan Kooxda Dacaish, kuwaasi oo ay haatan ku socoto Dacwado.

Ninkaasi waxa uu weli haystaa Badbaadinta FBI-da, wuxuuna qorsheynayaa inu udhamaysto Waxbarashadda Dugsiga Sare, ka hor inta uusan go’aan ka gaarin shaqada kale ee uu ku biiri doono.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:34 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada