Todobo qof oo isku qoys ahaa oo lagu dilay tuulo u dhow Shalaambood

Todobo qof oo isku qoys ahaa oo lagu dilay tuulo u dhow Shalaambood

daajis.com:- Maamulka deegaanka Shalaambood ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa xaqiijiyay dilka todobo qof oo isku qoys ahaa, kuwaasi oo lix ka mid ahaayeen caruur iyo ayeeyadood oo waayeel aheyd.

Falkaan naxdinta badan ayaa waxaa geystay maliishiyo hubeysan, iyagoo gubay aqalkii ay qoyskaasi deganaayeen.

Dhacdadaan oo ka dhacday deegaan lagu magacaabo Siinaay oo ka tirsan Shalaambood, waxayna aragagax ku reebtay dadka deegaanka.

Arintaan ayaa loo aaneynayaa aano qabiil oo sanadihii u danbeeyay ka taagneyd gobolka Shabeellaha Hoose, gaar ahaan deegaanada Marka, Shalaambood, Buufow ilaa Janaale.

Degmooyinka Marka iyo deegaanada kale ka ayaa waxaa ka taagan xiisad la xiriirta dilkii xalay dhacay.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada