Ururka Al Shabaab oo Saldhig Boolis ku Gubay Gudaha Dalka Kenya (VIDEO)

Ururka Al Shabaab oo Saldhig Boolis ku Gubay Gudaha Dalka Kenya (VIDEO)

daajis.com:- Wararka inagga soo gaaraya Magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya, ayaa sheegaya in dagalayahano hubeysan oo katirsan ururka Al-Shabaab ay xalay saq dhexe weerar ku qaadeen saldhig ay lahaayeen Ciidamada booliiska oo kuyaala Deegaanka Diif ee hoos tagta Degmada Wajeer ee gobolka waqooyi Bari.

Kooxahan ayaa Weerarkooda ku bartilmaameedsaday saldhig ay Ciidamada booliiska ku lahaayeen Deeganaka Diif, waxa ayna halkaasi ku gubeen Saldhiga booliis iyo goobo ganacsi oo saldhigga ka ag dhawaa, waxayna dhaawaceen sida wararka lagu sheegayo qaar kamid ah ciidamada booliiska ee deegaanka Diif.
Inta la xaqiijiyay sadax askari oo katirsan Ciidamada booliiska ayaa la sheegay in weerarkaasi lagu dhaawacay, waxa ayna Al-Shabaab saldhiga ay weerareen ka qaateen Gaari ay lahayaeen Ciidamada booliiska iyo hub uu kamid yahay Hoobiyaha.

Ciidamada booliiska iyo kuwa Milatariga Kenya ayaa howlgalo kawada xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya gaar ahaan dhinaca deegaanka Diif ee uu xalay ilaa saakay aroortii uu dagaal ka socday, waxa ayna ciidamadu diyaaradaha qumaatiga u kaca ku baadi goobayeen dagaalyahandii weerarka kusoo qaaday iyo gaarigii ay ka qaateen saldhiga booliiska.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada