Video: 200 tahriibayaal Soomaali ah oo ku dhintay Badda u dhaxeysa Masar & Italy

Video: 200 tahriibayaal Soomaali ah oo ku dhintay Badda u dhaxeysa Masar & Italy

daajis.com:-  Warar laga helayo dalka Masar waxa ay sheegayaan in doon siday dad gaarayay 400 qof oo Soomaali u badnaa in ay ku qalibmeen badda, kadib markii ay la degtay doonidii ay la soceen.

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Masar waxa ay xaqiijisay in doontaan ay degtay, laakiin lama garan karo tirada saarneyd iyo inta ku dhimatay iyo tirada ay Soomaalida ah, hase ahaatee waxaa lagu qiyaasay tirada Soomaalida ilaa 200 oo intooda badan kasoo jeeda gobolka Togdheer gaar ahaan magaalada Burco.

Sidoo kale nin Soomaali oo turjumaan ah oo ku sugan dalka Giriigga ayaa BBC-da u sheegay in dadkii laga badbaadiyay doontaasi la gaarsiyay dalkaasi, sidoo kale gurmad lagu raadinayo maydadkana la bilaabayo maanta.

Waxaa baraha bulshada lagu baahinayaa sawirada dhallinyaro la sheegay inay kamid yihiin dadka ku dhintay badda ee doontaasi qallibantay la socday.


Dadkan tahriibayaasha ah waxay ku wajahnaayeen dalka Taliyaaniga, waxayna ka ambabexeen dalka Masar.
Faadumo Abdi Diiriye waa mid kamid ah ehellada dadka ku dhintay badda. Seddax wiil oo qaraabadeeda ah, oo ayada kula noolaa magaalada Qaahira ayaa kamid ah dadka dhintay.
“Waan ogeyn waana uga digay laakiin qof illaa soomaaliya soo lugeynaayay oo soo maray Itoobiya, Sudan oo taagan badda lama celin karo”, ayey tiri Faadumo.

Inkastoo dhacdadan loo maleynaayo inay Soomaali badan saameysay, hadana, waxaa maanta sanad laga joogaa markii 800 oo qof ay hal mar ku dhinteen badda u dhexeysa liibiya iyo Taliyaaniga.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:15 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada