War deg Deg: Qarax iyo dilal isla socday oo ka dhacay Muqdisho

War deg Deg: Qarax iyo dilal isla socday oo ka dhacay Muqdisho

daajis.com:- Warar dheeri ah ayaa kasoo baxaya kooxo maanta dil ka geystay degmada Boondheere, iyagoo bartilmaameedsaday gaariga Guddoomiyaha degmadaasi, kuna dilay darawalkii gaariga iyo askari la socday.

Kooxda hubeysan oo ku socday gaari NISSAN SURF ah, ayaa markii ay dilka geysteen baxsadeen, waxaana kusoo baxay ciidamada nabadsugida oo baacsaday, israsaaseyn dhex martay ayaa waxaa ku dhimatay qof dumar ah, waxayna isla galeen afka hore ee Suuq Bacaad.

Gaari kale ayaa la sheegay inuu usoo gurmaday kooxda dilka geystay, waxayna ciidamada nabadsugida ay toogteen mid ka mid ah dableydii, gaariga soo gurmaday.

Saddex ka mida dableyda ayaa baxsaday iyagoo gaarigii ay wateen uga tegay afka hore ee Suuq Bacaad, waxaana dhacday  in gaarigii uu qarxo. Cid wax ku noqotay lama oga qaraxa gaarigaasi oo ahaa mid aad u xoog badnaa.
Ciidamada ayaa xiray goobta qaraxu ka dhacay, waxaana socda howlgallo lagu raadinayo saddex ruux oo baxsaday iyadoo ciidamo fara badan ay galeen degaanka Suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid, waxaana wararkii ugu danbeeyay oo aan la xaqiijin ay sheegayaan in la qabtay kooxdii baxsatay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:39 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada