daajis.com:- Xilli lagu gudo jiro waqtiga Qadada ayaa waxaa qarax xoogani oo loo soo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ka dhacay afaafka hore Maqaayad laga cunteeyo oo kutaala Xaafada Beexaani ee Degmada Shibis ee magaalada
Inta la xaqiijiyay Sadax qof ayaa ku geeriyootay qaraxaasi oo ay ku jiraan caruur caseeyaal/(baalashle) ah iyo oday garab rarato ah oo goobtaasi ka agdhawaa, qaraxani ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen tiro kale oo ahaa dadkii ka cuntaynayay maqaayadda, waxaana dadka ku dhaawacmay qaraxaasi lagu daweenayaa Isbitaalada kuyaala magaalada Muqdisho.
Halkaan Hoose ka Daawo
Maqaayada Rajjo ee gaariga lagu qarxiyay ayaa la sheegay inay aheyd goob ay inta badan tagaan kana cunteeyaan Ciidamo katirsan Hay’ada Nabad Sugida iyo booliska Qaranka iyo dadka shacabka ah, waxa ayna maqaayadan aheyd goob mashquul badan oo dad badani ay u tagaan inay goobtaasi ka cunteeyaan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 23:30 and have
, Published at