Wariyaha BBC-da iyo Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo ay ka Dhex Qaraxday (Dhagayso)

Wariyaha BBC-da iyo Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo ay ka Dhex Qaraxday (Dhagayso)

daajis.com:- Waxa ay ka dhex qaraxday Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi Galinta Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani) oo shalay ka qayb galay Doodii Jimcaha ee Idaacada Bbc-da, taasi oo lagaga doodayay shirkii dhawaan lagu soo gaba gabeeyay magaalada Muqdisho ee la magac baxay ‘Madasha wada tashiga Somaliya’ kaasi oo qodob ka mid ah lagu soo daray Saami qayb siga Somaliland ee dhinaca Xukumada Soomaaliya.

Wasiirka ayaa waxa uu idaacadda BBC-da ku dhaliilay caddaalad darro iyo isku dheelitir la’aan ka muuqatay Barnaamijkii dooda oo dadkii martida ahaa oo afar xubnood ka koobnaa ay saddex qof ka soo wada jeedeen dhinaca Soomaaliya halka dhinaca Somaliland uu wasiirku sheegay in halkaasi uu kali ku ahaa.

Wasiirka ayaa waxa uu wariyaha BBC-da Axmed Cabdi Nuur oo xiriiriye ka ahaa Idaacada ku eedeeyay in aanu laf ahaantiisu aanu dhex dhexaad ka ahayn Dooda, sidoo kale dad tiro badan uu ka soo casuumay dhanka Soomaaliya.

Dhagayso sida uu is maandhaafku ku dhashay.

DHAGAYSO
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada