Wasaaradda gaashaandhiga Maraykanka oo xaqiijisay dilka Xasan Cali Dhoorre

Wasaaradda gaashaandhiga Maraykanka oo xaqiijisay dilka Xasan Cali Dhoorre

daajis.com:- Wasaaradda gaashaandhiga Mareykanka ayaa xaqiijisay dilka Xasan Cali Dhoore oo ah sarkaal sare oo ururka Al-Shabaab u qaabilsanaa amniyaadka iyo dilalka qorsheysan ee ka dhaca Muqdisho.

Warka kasoo baxay aqalka cad ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in howlgal qorsheysan oo iska kaashadeen ciidamada kumaandooska Soomaaliya iyo Mareykanka suuragelisay in howlgal ka dhacay deegaanka Tooratooroow lagu dilo sarkaalkaan iyo labo xubnood kale oo muhiim ahaa iyo tiro kale oo ilaaladooda ka tirsanaa.

Maraykanku waxay sheegeen in Dhoorre uu kormeere ka ahaa weerar lagu dilay ugu yaraan saddex qof oo ah muwaadiniinta Maraykanka, isla markaana uu lug ku lahaa weerarkii 25-kii December lagu qaaday garoonka diyaaradaha Muqdishu oo ay ku dhinteen ciidamo ka tirsan AMISOM iyo muwaadin Maraykan ah.

Hassan-ali-dhore-killedWarka kasoo baxay Pentagon-ka ayaa lagu sheegay in Dhoore uu ka dambeeyey weerarkii 25-kii Maarso lagu qaaday huteelka Maka Al-Mukarrama oo dad badan ku dhinteen, kuna jireen muwaadiniin Maraykan ah.

Af-hayeenka Pentagon-ka ayaa sheegay in Dhoorre uu qorshaynayey weeraro kale oo ka dhan ah muwaadiniinta Maraykanka ah ee jooga magaalada Muqdishu.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed General Cali Baashi ayaa warbaahinta dawladda u sheegay in hawl-gal ay xalay ciidamada dowladda ka fuliyeen gobolka Sh/hoose gaar ahaan tuulada Tooratoorow lagu dilay afar sarkaal oo ka tirsan Al-Shabab oo uu ka mid yahay Xasan Cali Dhoore oo abaanduuluhu sheegay inuu Al-Shabaab u qaabilsanaa dhinaca amniyaatka.

Balse Maraykanka ayaa sheegay inuu dhacay hawlgalka Al-Shabab ka dhan ka ah Isla markaana la qiimaynayo khasaarahana buuxa ee hawlgalka.

Xasan Cali Dhoore, waxaa horay madaxdiisa lacag u dul dhigtay dawladda Soomaaliya, wuxuuna madax ka ahaa sirdoonka Shabaab ee fuliya dilalka qorshaysan ee gobolka  Banaadir.

Maraykanku waxay sheegeen in Dhoorre uu kormeere ka ahaa weerar lagu dilay ugu yaraan saddex qof oo ah muwaadiniinta Maraykanka.

Af-hayeenka Pentagon-ka ayaa sheegay uu qorshaynayey weeraro kale oo ka dhan ah muwaadiniinta Maraykanka ee magaalada Muqdishu ku sugan.

Saraakiisha ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa sheegay in hawlgal kale oo ka dhacay agagaarka Jannaale lagu dilay in ka badan 10 ka tirsan ururka Al-Shabab.

Warar lagu kalsoon ayaa sheegaya in duqayn dhinaca cirka ah ay dhacday 24-kii saac ee lasoo dhaafay gobollada jubbada Hoose iyo Shabeellada Hoose, taasi oo lala beegsaday saraakiil ka tirsan Al-Shabab.
  FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:46 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada