daajis.com:- Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa magaalada Addis Ababa uga qeyb galay Shirka Ammaanka Munich (MSC) oo wadajir u soo qaban-qaabiyeen dawladaha Jarmalka iyo Itoobiya.
Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay illaa 60 hogaamiyaye oo ka socda qaaradaha Africa, Europe, Maraykanka iyo Ururo Caalami ah, iyadoo daaradda la saarayay ammaanka iyo dagaalka lagula jiro kooxaha Argagixisada ah ee dhibaatada ka wada qeybo kamid ah Qaaradda Afrika oo Soomaaliya ay kamid tahay.
Wasiirka Gaashaandhigga oo khudbad ka jeediyey Shirka ayaa madasha ka sheegay in Soomaaliya ay ku jirto xaalad dagaal oo ay la tacaaleyso koox argagixiso ah una baahan tahay taageero iyo in gacan buuxda laga siiyo horumarinta Ciidanka Qalabka sida si ay awood ugu yeeshaan dhamaystirka haraadiga Argagixisada.
Khudbad uu shirka ka jeediyay Wasiir Diini waxaa kaloo uu ku xusay khatarta argagixisada ku hayso caalamka iyo sida loogu baahan yahay in meel looga soo wada jeesto dagaalka looga soo horjeedo.



_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 22:00 and have
, Published at