Waxaa Lagu Dhawaaqay in AMISOM oo laga maarmayo Sida Ugu Dhaqsiyaha badan.

Waxaa Lagu Dhawaaqay in AMISOM oo laga maarmayo Sida Ugu Dhaqsiyaha badan.

daajis.com:- Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ah Guddoomiye ku-xigeenka guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga Baarlamaanka Federaalka ah ee Somalia, ayaa ka hadlay dareen la’aanta DFS ee ku aadan xasuuqa Ciidamada AMISOM ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Xildhibaan Jeesow, waxa uu sheegay in dhibaatooyin hore ay geysteen Ciidamada AMISOM iminkana ay kusii dhiiranayaan inay xasuuq ganbasho la’aan ah u geystaan shacabka waxa uuna dhaliishaasi dusha ka saaray madaxda ugu sareysa dalka oo aan waxba u arag xasuuqa lagu hayo shacabka.

Jeesow waxa uu sheegay in sharci ahaan aysan awood u laheyn in AMISOM ay si toos ah kala xisaabtamaan falalka gurcan oo ay kula kacayaan shacabka, balse waxa uu sheegay in faraqa ay qabsanayaan misna la xisaabtamayaan Xukuumada si Jawaab ay uga bixiso xasuuqa ay AMISOM ku heyso shacabka Soomaaliyeed.

Jeesow, ayaa tilmaamay in xiligaani aan loo baahneyn in Ciidamada AMISOM ay kasii howlgalaan gayiga Somalia, waxa uuna farta ku goday in Ciidamada Dowlada ay buuxin karaan Booska ay joogan kuwa AMISOM.

Jeesow waxa uu DFS ugu baaqay inay joogteyso Mushaarka Ciidamada, isaga oo ku taliyay in Ciidamada AMISOM looga maarmi karo keliya in kalsooni lasiiyo kuwa Soomaalida.

Waxa uu sheegay in Ciidamada AMISOM ay laba jibaaren xasuuqa iyo gumaadka ay ku hayaan shacabka tan iyo markii Ciidamadooda lagu laayay deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Jeesow ayaa daboolka ka rogay in aysan Ciidanka Uganda ka faala qaadi karin amniga shacabka balse ay dhibaateynayaan kaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa tibaaxay in aan la aqbali karin War-saxaafadeedka AMISOM ay ka soo saareen dhibaatadii Ciidamada Uganda dhawaan ay ka geysteen deegaanka Buulo-mareer.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada