Rag badan ayaa ka sheegta
kacsi la`aan ay kala kulmaan lamaanayaashooda taasi oo ku reebta niyad jab ,
hadaba maxaa u sabab ah kacsi la`aanta haweenka .
Hadaba sedex qeyb ayaan u
kala qaadeynaa , qeybta koowaad haweeneyda ayuu la xariira midda labaad ninka
halka midka sedexaadna uu ka dhaxeeyo labadooda.
Qeybta koowaad ee
haweeneyda la xariirta: waxaa ku keena kacsi la`aanta in ay jiraan xanuuno ka
haya dhanka xubinta taranka , in miskaha laga hayo , ama in qaladaad ay ka
jiraan dhanka Hormonadeeda.
In ay jiraan mashaakilo
dhanka nasfiga ah oo haysta sida wel wel, neerfo kacsanaan, , murgo , rajo beel
, cariiri , in ay jiraan xasuusyo xanuuno ku reebay., waxaana sii dheer haddi
ay sameeyaan galmo gacmeed(Siigo) iyo in xubinta taranka ay xanuuneyso marka weerarka
la sameynayo.
Qeybta labaad ee ninka la
xariirta: in ninku yahay macangag, in uu la dhaqankiisa xun yahay, iyo in uu
balwad leeyahay sida qamri oo ay haweeneyda ka cabsato nafsad ahaan.
Sidoo kale in biyaha uu
durbo soo tuuro iyo in da`diisa weyn tahay ama uu qabo jahli
jinsiyadeed(Galmada Wax Ka Aqoon).
Qeybta sedexaad ee labada
lamaane ka dhaxeeysa:In uu jiro is faham la`aan iyo in aan la helinba fursad
lagu wada hadlo .
In dhibaatooyin qoys oo
aan fadhin in uu ka jiro dhexdooda , iyo in ay jirto qiyaano qoyseed oo ninka
ama naagta ka tamid .
_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 19:30 and have
, Published at