Weligaa Waxyaabaha Ugu Horeeyo Aad Noloshaada Ka Illaalineysid Ka Dhig Xaqdarada, Akhriso Arimahaan Hoose.

Weligaa Waxyaabaha Ugu Horeeyo Aad Noloshaada Ka Illaalineysid Ka Dhig Xaqdarada, Akhriso Arimahaan Hoose.

daajis.com:- Jaabir bin Cabdullaah RC, wuxuu yiri: Nabiga CSW, wuxuu yiri:- Iska jira Xaqdarada, Maalinta Qiyaamo Xaqdaradu waxay noqon oo isu Beddeli Gudcurro badan oo Madow iyo Mugdi ah, kana ilaaliya Naftiinna oo iska jira Mudulnimada iyo Nafjecleysiga (Maal iyo Madaxtinnimo jaceyl), Nafjecleysi iyo Mudulnimo waxay Rogtay Qoomankii idinka Horeeyey oo ku Kalliftay iney Dhiig iska Qubaan oo wixii ka Xaaraansanaana ay Xalaashadaan. (waxaa weriyey:- Muslim)

Caa’isha RC, waxay tiri: Nabiga CSW, wuxuu yiri:- Qofkii Xaqdarro ku qaata Taako Dhulka ka mid ah, wuxuu Alle ku Cadaabaa Maalinta Qiyaamo in loo Suro Toddoba Dhul Qoortiisa. (yacni wixii uu Xaqdarrada ku qaatay). (waxaa weriyey:- Bukhaari iyo Muslim).

Abuu Umaamah Iyaas Ibn Thaclaba RC, wuxuu yiri: Nabiga CSW, wuxuu yiri:- Alle wuxuu u Waajibiyey Naar oo uu gelin, Qofkii Qof Muslim ah Xaqiisa ku Duudsiya oo kaga Qaada Dhaar Been ah, waana ka Xaaraantinimeeyey Jannada. kolkaas Nin Saxaabi baa yiri:- Rasuul Alloow, ma xitaa Haddii ay wax yar yihiin. wuxuu yiri Nabiga CSW, xataa haddii uu yahay Caday (Qori geed laga jabsado). (waxaa weriyey:- Muslim).
Ibn Cumar RC, wuxuu yiri: Nabiga CSW, wuxuu yiri:- Qofka Mu’minka ahi Diintiisu waa u Nabad, waxaana dhowraya iimaankiisa marba haddii uusan gelin dhiig xaqdarro ah. (waxaa weriyey:- Bukhaari).

===============================

(ILAAHOOW XAQ ISLAAM HANA GELININ).

W.Q:- Macoow Ustaad.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada