daajis.com:- Wiil Soomaali ah oo ku nool dalka Ingariiska ayaa Madaxweynaha waqtigiisa uu sii dhamaanayo ee dalka Mareykanka Barack Obama weydiiyay su’aalo wanaagsan oo adag, kuwaasi oo ku saabsanaa dalka Soomaaliya gaar ahaan biyaha Soomaaliya oo maraakiibta badan oo shisheeye ay ku sugan yihiin.
Wiilkan ayaa madaxweyne Obama waydiiyay, bal waxa uu maxaweynaha ka ogyahay maraakiibta shisheeye ee dalka Soomaaliya ku shuba sunta haraadiga Nugliyeerka ee ay ku daadiyaan xeebaha dalka Soomaaliya iyadoo badda dalka Soomaaliya ay ku sugan yihiin maraakiib dagaal oo ka socda wadamo badan.
Su’aashii kale ee taasi daba sootay ee uu wiilkaasi weydiiyay ayaa ahayd, in isbuucii la soo dhaafay ay in kabadan 500 oo dhalinyaro Afrikaan ah oo u badnaa soomaali ay ku dhinteen badda u dhaxaysa dalalka Masar iyo Talyaaniga, iyo waxa uu madaxweyne Obama u qabankaro arimahaasi inta yar ee uu xilka hayo.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 17:00 and have
, Published at