Xasan Sheekh oo gaadhay Itoobiya iyo C.wali gaas oo ka dabategay (Warbixin)

Xasan Sheekh oo gaadhay Itoobiya iyo C.wali gaas oo ka dabategay (Warbixin)

daajis.com:-  Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka degay magaalada Addis Ababa, isagoo uga sii gudbi doona magaalada Baxardaar ee dalka Ethiopia oo beri uu ka furmi doono Shirkii 5-aad ee Madasha Sare ee Amniga Qaaradda Afrika (Tana High-Level Forum on Security in Africa).

Dhinaca kale Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas ayaa maanta u dhoofay magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Dalka Ethiopia isagoo sheegay inuu ka qayb geli doono Shirka Madaxda Afrika ee Tana Forum ee sannadkiiba mar lagu qabto magaalada Bahar dahar ee dalkaasi.

Gaas oo Garoonka diyaaradaha ee Konooko kula hadlay Bahda Saxaafadda ayaa heegay inuu Casuumaad ka helay Dowlada Ethiopia, sidaana uu uga qeybgali doono Shirka oo uu sheegay in Puntland ay ahmiyad u leedahay.
Maamulka Puntland ayaa kamid ah Maamulada hoostaga Dawlada Dhexe, waxaana shirkaasi Dowlada Federaalka u matalaaya Madaxweynaha Dawlada dhexe,  waxaana xusid mudan in  Shirkaasi uu yahay mid heer Dowladeed ah oo ay ka qeybgalayaan Madaxda Africa.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada