XOG: Itoobiya oo Ciidanka kenya ka saareysa Jubbooyinka & S/land oo..

XOG: Itoobiya oo Ciidanka kenya ka saareysa Jubbooyinka & S/land oo..

daajis.com:- Dowlada Ethiopia ayaa qorshe ka damacsan deegaanada Jubbaland, iyadoo ciidamadii ugu badnaa geysay deegaanada Jubbooyinka iyo Gedo.

Ujeedada ugu weyn ee Ethiopia ka leedahay deegaanada Jubbaland ayaa lagu sheegayaa iney tahay iney dooneyso in Kenyan-ka ka saaraan Jubbooyinka oo ay si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaqa ganacsi iyo iney ka faaideystaan dekada magaalada Kismaayo.

Dhinaca kale Ethiopia ayaa dad badan oo Ethiopian ah ku daabushay deegaanada Somaliland, kuwaasi oo haatan qabanaya howlo kastaa oo ay qaban lahaayeen dadka danyarta ah ee kusugan deegaanada Somaliland.

Qaar kamid ah mashaa’iqda Somaliland ayaa horey u sheegay in magaalada Hargeysa ay ku sugan yihiin dadkii ugu badnaa oo Ethiopian ah kuwaasi oo qabta howlaha loogu talo galay dadka danyarta ah ee Hargeysa jooga, sida uu horey u sheegay Sheikh Aadan Siiro.
Haatan ayaa magaalada waxaa laga dareemayaa iney kusii badanayaan dadka Ethiopian-ka ah kuwaasi oo mehrado yaryar iyo kuwo hadda kobcaya kuleh magaalada Hargeysa.

Waxyaabaha laga baqayo sanado badan kadib ayaa ah in Ethiopia ay Somaliland ka dhigto gobol kamid ah sida kililka Shanaad, waxaana dadka caqliga u saaxiibka ah ay ka digayaan arintaasi.

Ethiopia ayaa dhawaan Somaliland la saxiixatay hishiis dhigaya iney isticmaali karto dekada magaalada Berbera.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada