daajis.com:- Wasaaradda Gaashaandhiga Mareykanka ayaa sheegtay in Dowladda Mareykanka ay Duqeyn ku dishay Hogaamiyihii Ururka talibaan mullah mansoor.
Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka (Pentagon) ayaa Tilmaamtay in Mullah Mansuur lagu dilay Duqeyn ay Fuliyeen Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka loo yaqaan oo ay leeyihiin Ciidamada wadanka Mareykanka, waxaana lagu dilay Xadka u dhaxeeya Wadamada Afghanistan iyo Pakistan.
Warka ay shaacisay Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa lagu sheegay inay Macluumaad intaa dheer ay Faafin doonto Saacadaha soo socda.
Ururka talibaan ayaan weli ka hadlin waxa ka jira Warka ay Dowladda Mareykanka faafisay ee ah in Duqeyn lagu dilay Hogaamiyahoodii urukaasi ee Mullah Mansoor.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 22:00 and have
, Published at