daajis.com:- Fannaanka caanka ah ee Aweys Khamiis Cabdalla oo fanka ka fadhiistay ayaa fariim muhiim ah u diray shacabka Soomaaliyeed, isagoo ka codsaday in ay joojiyaan dhageysiga heesahiisa maadaama uu ka towbad keenay arrimaha fanka, una jeestay ku xirnaanta towbada alle iyo faafinta diinta Islaamka.
Tifaftiraha Jilaa.com oo magaalada London kula kulmay Aweys Khamiis ayaa wuxuu ka wareystay isbadalka ku yimid Aweys Khamiis, isagoona ka hadlay faqriga hadda iyo midkii hore ee noloshiisa.
Aweys Khamiis wuxuu kaloo dadka Soomaaliyeed u diray fariin muhiim ah isagoo ka codsaday in ay joojiyaan dhageysiga heesahii uu horay u qaaday, oo uu ku sheegay kuwo danbi ah oo alle raali ka aheyn.
Aweys Khamiis Cabdalla oo fariim muhiim ah usoo diray Soomaalida: VideoAweys Khamiis wuxuu sheegay in hadda waqtigiisa badan geliyo baraarujinta iyo faafinta wanaaga diinta Islaamka.
Dhacdooyinkii ugu yaabka badnaa ee uu Aweys Khamiis Cabdala kala kulmay Soomaaliya, dagaaladii sokeeyo kadib ayuu ka waramay, isagoo sheegay in habeen show uu ku qabanayay Shineemo Liibaan uu la kulmay dhacdo yaab leh, loona gacan geliyay bam gaanjada ka furneyd.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:32 and have
, Published at