daajis.com:- Afhayeenka Kooxda Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) oo la hadlayay qaar ka mid ah warbaahinta Al-shabaab, ayaa sheegay inay Kenya dhaqaale badan ka hesho Xeryaha Qoxootiga Dhadhaab sida; Xagar-dheer, IFO iyo dhagaxleey, ayna caalamka ku baryaan inay hayaan Qoxooti badan, Wuxuuna beeniyay in weeraro ay ka Abaabulaan xeryaha Qoxootiga ee dalka Kenya, isagoo xusay in Kenya mar-marsiiyo ka dhiganeyso dhibaatooyinka ay u geysanayso shacabka Soomaaliyeed.
Dhanka kale, Afhayeenku wuxuu sheegay inay soo Dhaweynayaan hadii Qoxootiga ku nool xeryahaas dib loogu soo celiso dalkooda, isagoo intaas ku daray in dadka Soomaaliyeed ay yihiin bulsho qani ah oo leh Waddan barwaaqo ah.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 01:31 and have
, Published at