daajis.com:- Diyaaradda Turkish Airlines ayaa maanta dib u bilowday duulimaadkeedii garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kadib qaraxii ka dhex dhacay diyaaradii Daallo Airlines, kaasoo hakad geliyay duulimaadkii diyaarada ee magaalada Muqdisho.
Diyaaradda Turkish Airlines oo ah diyaarada kaliya ee caalami ah oo duulimaad ku timaada magaalada Muqdisho ayaa hakisay howleeda 2-dii bishii Febraayo, sababo dhinaca amniga awgiis, Rakaabkii ay maanta diyaarada keentay ayaa dalal dhowr ah, waxaana la sheegay inay dhowaan goosteen tikidhada, markii howl wadeenada shirkadda Turkish Airlines ay ku dhawaaqeen inay dib u bilaabayaan duulimaadkooda Muqdisho
Duulimaadka Diyaaradda Turkish Airlines ayaa ahaa Istanbul-Muqdisho, waxaana markii ay rakabaakii u horeeyay ka soo dejisay magaalada Muqdisho ay qaaday rakaab kale oo ku sii jeeday Jabuuti iyo Istanbul.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 01:30 and have
, Published at