DAAWO:- Dowlada Turkiga oo qalab isboorti ku wareejisay Wasaarada Dhalinyarada iyo Cayaaraha ee Soomaaliya

DAAWO:- Dowlada Turkiga oo qalab isboorti ku wareejisay Wasaarada Dhalinyarada iyo Cayaaraha ee Soomaaliya

daajis.com:- Qalab isboorti oo Turkish Airways ay ugu talla-gashay Wasaaradda Dhalinyarada & Ciyaaraha Somaliya, ayaa maanta si rasmi ah loogu wareejiyay Wasaaradaasi.

Safiirka Turkiga u fadhiya Somaliya, Danjire Olgan Baker, ayaa qalabkaasi ku wareejiyay Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada & Ciyaaraha, Maxamed C/laahi Xasan.

Safiirka oo ka hadlaayay wareejinta qalabkaasi, ayaa wuxuu ku tilmaamay tusaale wanaagsan oo bilow ah, waxaana iska kaashaday in Somaliya la soo gaarsiiyo Turkish Airways iyo naadi ka dhisan Turkiga.

“Waa tusaale wanaagsan qalabkan, waana hawl bilow ah, waxaana iskashaday naadi ka midda kuwa ka ciyaara Turkiga iyo shirkadda Turkish Airways. Waxaan rajeynaynaa in ay Somaliya yimadaan naadiyo ka dhisan dalkeena, si ay ula ciyaraan ciyaartoyda Somalida ciyaaro aaxiibtinimo, waxaana rajeynayaa in ay guul noqon doonto.” Ayuu yiri Danjire Baker.

Wasiirka oo Turkiga kaga mahadceliyay qalabkaasi isboorti, ayaa sheegay inay gaarsiinayaan Gobolada Wadanka, xilli sida uu sheegay ay ka bilaabanayaan ciyaaraha.

“Waad ku mahadsan tihiin deeqdaan aad na soo garsiiseen, waxaan inaguna gaarsiin doonna Gobolada Dalka si ay ugu fududeeyso ciyarahooda. Dhawaan waxaan qabanaynaa ciyaarihii Gobolada oo ay ugu horayso Gaalkacyociyaar lagu qabanayo oo u dhaxeysaa Gobolada Nugaal iyo Galgaduud, oo ah goobtii dhawaan ay wax ka dhaceen taas waxa ay sahlaysaa in isbootiga uu nabadda ka qayb qaato  waana arrin wanaagsan kadibna waxaa xigi doono ciyaaraha Gobolada kale.” Ayuu yiri Wasiirka.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada