daajis.com:- Maamulka Galmudug ayaa ka hadlay maamulka Galgaduud sare ee dhawaan laga dhisay magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, kaasi oo ay dhisteen qaar kamid ah beelaha dega Galmudug oo maamulkaasi ka carooday.
Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay iney ku sugan yihiin degmada maamulkaasi lagu dhisay isaga iyo odayaal kasoo jeeda Galmudug kuwaasi oo shirar ku leh degmada Caabudwaaq.
Maxamed Xaashi, ayaa si cad u sheegay in maamul aan Galmudug aheyn inuusan ka shaqeyn karin deegaanada Galgaduud iyo Mudug, isagoo sheegay in marnaba aysan la socon maamulka Galgaduud sare iyo maamulo kale oo laga dhisay Galmudug deegaanadeeda, Wuxuu wax lagu Riyooday kasoo qaaday maamulkii dhawaan laga dhisay Caabudwaaq.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 22:00 and have
, Published at