daajis.com:- Ururka Xisbullah ayaa shaaciyey in hogaamiye sare oo ka tirsan ururka lagu dilay duleedka magaalada Dimishiq ee dalka Suuriya.Hogaamiyahan ayaa la sheegay inuu ka barbar dagaalamayey ciidamada daacada u ah Bashaar Al-Asad.
Hogaamiyahan la dilay oo magaciisa lagu sheegay Mustafa Badreddine inay kasoo qayb qaatay dagaaladii ururka Xisbullah laga soo bilaabo 1982.Waxaa mar lagu xidhay dalka Kuwait,wuxuuna xabsiga ka baxsaday dagaalkii Ciraaq ay ku qabsatay Kuwait.
Ururka Xisbullah wuxuu sheegay in Israel ay ka danbeysay dilka hogaamiyaha inkastoo aysan wali hubin qaabka loo dilay in duqeyn dhanka cirka ahayd iyo inkale, Israel ayaa sida ay doonto ulaysa mucaaradkeeda ku sugan dalka Suuriya, waxaana arintan horay u xaqiijiyay Raysulwasaaraha dalkaas Netanyahu.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 22:30 and have
, Published at